Al-Shabaab oo goob fagaaro ku toogtay laba ruux oo ay sheegeen inay kamid ahaayeen Askarta dowladda

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah waxaa ay ku toogteen labo ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana toogashadu ay ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada ruux ee ay toogteen Al-Shabaab ayay  Magacyadooda ku kala sheegen Yoonis Macalin Xasan iyo Maxamed Nuur Xasan, waxaana ay sheegeen in ay ka kalatisranaayen Booliska Soomaaliya iyo hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dilka ayaa ka dhacay degaanka Kuunya-Baroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada ruux ee ay toogteen Al-Shabaab ayay sheegen in howlgeli jireen Magaalooyinka Marka iyo Baydhabo, oo ka kala tirsan Shabeellaha hoose iyo Gobolka Baay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor