Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Lix Ruux (Akhriso magacyada)

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen lix Nin oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka dowladda Mareykanka.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeysay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhacaayay, si ay u daawadaan dilka lagu fuliyey ragga Shabaabka ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka oo basaas u ahaayeen.

Ragga la toogtay ayaa waxaa Al-shabaab ay magacyadooda ku kala sheegeen C/Salaan Ibraahim Maxamed oo loo yaqaanno (Shaalle), da’diisuna aheyd 38 jir, Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da’diisuna aheyd 33 jir, C/laahi C/raxmaan Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), kaasi oo isna da’diisa aheyd 27 jir.

Sidoo kale ragga lagu dilay degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ku jiray C/Qaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), oo 29 jir ahaa, Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, oo 43 jir aha aiyo C/Qaadir Xuseen Cabdi (Gobal), oo 22 jir ahaa.

Si kastaba, Al-shabaab ayaa marar kala duwan oo  horey sidaan oo kale waxaa ay xukuno dilal toogasho ah ugu fulisay rag ay ku eedeeyeen inay u shaqeynayeen sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor