AL-shabaab oo goob faagaare ah ku toogtay Nin ay soo qabteen

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Goob Fagaare ah waxaa ay ku dileen Nin ay sheegeen in uu ahaa Sixiroole, waxaa Fagaaraha lagu dilay Ninkaasi uu  kuyaallaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Maxkamad ay leeyihiin Shabaab oo ku taalla degaankaas ayaa xukunka dilka ah ridday iyadoo ay sheegeen in Ninka ay dilka u gaysteen uu sixiroole ahaa oo muddo sanada ah ku shaqeysanayay sixirka, waxana lagu magacaabaa Axmed Kuusane Xasan.

Waxaa ay sheegeen in ay kasoo qabteen tuulada Garaseey Kuusa oo  katirsan deegaanka Jooraha loo yaqaan ee Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa waxaa ay dil ku fuliyaan dad ay kusoo eedeeyaan dambiyo kala duwan, waxaana tiro dhowr jeer ah dil u gaysteen dad ay sheegeen in ay la shaqeynayeen Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada kale ee garabsiiya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media