Al-shabaab oo fagaare ku toogtay Nin la sheegay inuu Sixiroole ahaa

Gelinkii dambe ee shalay dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen Nin lagu eedeeyay inuu Sixiroole ahaa.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhacayay, si ay u daawadan xukunkaas oo lagu fuliyay Nin lagu magacaabi jiray Maxamed Sidiiq Xuseen oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Ninkaas ayaa waxaa Shabaabka ay sheegeen inuu dadka ku dhibaateyn jiray Sixirka, isla markaana uu qirtay in falkaas muddo sanado ah uu ku shaqeysanayay, sida lagu sheegay Qoraal lagu faafiyay baraha qadka ee Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa horey rag lagu soo eedeeyay inay Sixiroole ahaa ahaayeen waxaa ay ku toogteen deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka, sidoo kalena horey u toogtay rag kale oo arrimo kala duwan lagu eedeeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media