Akhtiso:-Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Asluubta Soomaaliyeed.

Xeer uu soo saaray Madaxweye Farmaajo ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakiil iyo  ku-xigeeno, isla markaana loo kala dalacsiiyay darajooyinka Gaashaanle Sare, dhamme, labba xidigle iyo xidigle.

Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ah Taliyaha hoggaanka warshadaha iyo wax soo saarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Suleymaan Maxamed Axmed Dulmidiid oo Madaxweyne Farmaajo u dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, isagoo horey u heystay Gaashaanle Dhexe.

Ugu dambeyn Saraakiisha ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday, waxaana Xeerka dalacsiinta Saraakiisha la ogeysiiyay dhammaan Madaxda Hoggaanka Ciidanka Asluubta, Taliyeyaasha Xabsiyada iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka Asluubta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media