Akhrsio:-Xisbiga Himilo Qaran oo si kulul uga hadlay Xayiraadii Sheekh Shariif

Xisbiga Himilo qaran ee uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh ayaa si kulul u Cambaareeyay falkii Maanta lagu xayiray wafdigii Xisbiga Himilo qaran ee ku wajahnaa Magaalada Kismaayo.

Xisbiga Himilo qaran ayaa xayiraada la saaray diyaaradii Sheekh Shariif iyo wafdiga la socday u qaadi laheyd Magaalada Kismaayo ku tilmaamtay in uu ahaa Khiyaano qaran iyo Dastuurka dalka oo lagu xadgudbay.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu Xisbiga Himilo ugu baaqay inay ka waantoobaan filka baajinta safarada Muwaadiniinta ee sharci darrada ah iyo ku tumashada sharciga.

Sidoo kale Xisbiga oo u tacsiyeeyay dadkii dhibaatadu ka soo gaartay ishortaaga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa sidoo kale cadeeyay in aan loo dulqaadan doonin sii socoshada falalka noocaan oo kale ah, isla markaana baalmarsan Dastuurka iyo Sharciga Dalka.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media