Akhriso:-Yaa ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda dalka Nigeria?

Guddiga Doorashadda ee dalkaasi waxay ku dhawaaqeen inuu Madaxweyne Maxamadu Buhaari mar 2-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee bilowgii isbuucan ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Buhaari oo 76-jir ah ayaa la sheegay inuu helay 56% cod-bixintaasi, halka Murashaxa 2-aad ee ku xigay oo lagu magacaabo Atiku Abubakar oo 72 jir uu helay 41%.

Qoraal uu Madaxweyne Buhaari soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa ka muuqada isagoo dhoola-caddaynaya, isla markaana ay ku hareeraysan yihiin shaqaalaha Xafiiskiisa Ololaha Doorashadda.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta Mucaaradka ee dalkaasi waxay ka biyo-diideen Natiijadda, iyadoo in ka badan 260 qof lagu dilay tan iyo markii ay Ololaha doorashadda Nigeria bilowdeen bishii October ee sannadkii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media