Akhriso:-Xasan Sheikh oo la wareegay Feylka Ciidamada Eritrea jira

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka uga wareejiyay kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub wuxuu madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay.

Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay kamid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha hadda Xilka ka degaya ayaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ku wareejiyay Feylka Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eriteria, kuwaasi oo dood xooggani ka dhalatay qaadistooda.

Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh ku wargaliyay in Ciidamadu ay dhammeysteen Tababarkii loo  qaaday, haatanna ay diyaar u yihiin in dalka dib loogu soo celiyo.

Dhanka kale Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka sida uga dhakhsiyaha badan dalka dib loogu soo celin lahaa.

“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh”

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor