Akhriso:-Xaalada Magalada Baydhabo,kadib Ciidamadii dowladda geysay Magaladaas

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa lagu wadaa sida la qorsheeyay in 19 Bishan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay.

Hayeeshee waxaa labadii habeen ee la soo dhaafay ka dhacayay falal lidi ku ah amniga,waxaana Bambaanooyin lagu weeraray Barkoontorool oo ay Ciidamada Dowladda leeyihiin iyo Hoyga uu deganaa Xildhibaan hore ee Dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Horay Magalada Baydhabo waxaa u joogay Ciidamo isugu jira,Millateri iyo Boolis oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidamada AMISOM,balse waxaa lagu kordhiyay Ciidamo boolis ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadaas aya aloogu talo galay inay ka qeyb qaataan xaqiijinta Amniga inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,hayeeshee Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka soo horjeestay Ciidamadaas.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamaas ay iyagu dalbadeen,isla markaana ay ka qeyb qaadan sugida Amniga doorashada,isla markaana hadii ay doonaan ay Ciidamo kale dalban doonaan.

Isku-soo wada duuboo xaalka Magalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid caadi ah wallow xalay Koontoroolka Waqooyi ee Magalada weeraro bambaano lagu qaaday,hadana wax saameyn ah kuma yeelan xaalada amni ee Magalada Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor