Akhriso:-Xaalada Caawa ee Magalada Garoowe kadib diiwaangelintii Musharixiinta

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa lsoo geba gabeeyay diiwangelinta musharixiinta Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka oo gebi ahaanba hadii la isku daro ay noqonayaan 32 musharax.

Kadib diiwaangelintaas ayaa waxaa Caawa Magalada Garoowe siweyn looga dareemayaa ol olaha ay wadaan Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

Hotelada qaar ee Magalada Garoowe iyo Xildhibaanada qaarkood ayaa Caawa kulamo gooni gooni ah leh,waxana musharax walba uu doonayaa in uu qabto Madaxweynaha Puntland halka kuwo kale ay iyana raadinayaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Caawa siweyn ayaa Magalada Garoowe looga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee doorashada Madaxweynaha Puntland oo mudo laba Cisho ah ay inaga xigto.

Ammaanka Guud ee Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadihii la soo dhaafay la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland,kuwaas oo amniga siweyn u ilaalinaya.

8-da Bishaan oo ku began Maalinat talaadada ah ee soo socota ayaa la filayaa in Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal lagu qbato doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor