Akhriso:-Wasiiro iyo Xildhibaano qaadacay Matalaadda Gobolka Banaadir

Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Go’aankii 13-ka kursi lagu siiyay Metelaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xildhibaanadan oo gaaraya 72 ayaa waxaa ay sheegeen inuu sharci darro yahay xeerkaasi oo baal marsan yahay Dastuurka gaar ahaan qodobada 79-aad, 82-aad iyo 83-aad  ee Dastuurka.

Qoraalka ay soo saareen Xildhibaanadan oo kamid yihiin Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed iyo Wasiirka Kalluumeysiga ayaa waxaa ay ku sheegeen in habraaca xeerka  doorashooyinka ee la xiriira Matalaadda G/Banaadir uusan sax aheyn, iyagoo ku eedeeyay Guddoonka Golaha Shacabka inuu dano gaara ka lahaa Xeerka.

Xildhibaanada ayaa waxaa kaloo sheegeen in hadii la rabo in la kordhiyo kuraasta Gobolka ee Aqalka Sare loo baahan yahay in wax laga bedelo qodobada dastuurka ee 79-aad, 82-aad iyo 83-aad.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa Guddoonka Golaha Shacabka uga digay inuu baal-maro Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla, waxaana ay tilmaameen in wixii arrintaas ka dhaca uu Mas’uuliyada qaadi doono Guddoonka Golaha.

Hoos ka Akhriso Magacyada iyo War-saxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaanada iyo Wasiiro.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media