Akhriso:-Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Marwo; Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa Maanta soo xirtay shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada .

Shirweyniha Qaran ee Dhalinyarada ayaa laga soo saaray murtiyeed ka kooban 6 qodob , iaydoo ay kasoo qayb galeen Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo ay ka mid tahay Duuliye sare, Asli Xasan Cabaade.

Wasaradda dastuurka ayaa Dhalinyarada u qaybisay qoraallada dastuurka KMG ah,iyadoo Agaasimaha guud wasarada dastuurka, Maxamed Abuukar Zubeyr, uu Dhalinyarada ku boorriyey in ay dastuurkooda bartaan .

Shirkan oo Muddo laba Cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaasoo u qornaa sidan:-

WARMURTIYEEDKA

SHIRWEYNAHA QARAN EE DHALINYARADDA

(SANNADKA 2AAD)

HORDHAC

Shirweyhanaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed sannadka 2aad wuxuu ka dhacay magaalada Muqdishu 26¬27 December 2018 waxaana isugu yimid ergooyin matalaaya dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dhammaan Gobolada Dalka (Ergada Dhallinyarad Dowlada Goboleedyada, Ergada Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Ergada Dhallinyarada Beelaha Gobolada Waqooyi, Ergada Dhallinyarada Baahiyaha gaarka ah qaba, Ergada Dhallinyarada Beelaha laga tirada badan yahay iyo Qaar ka mid ah Ergada Ururada iyo Daladaha Madaxa banaan).

Ujeedooyinka Shirka:

Ujeedooyinka shirku waxay ahayd inuu noqdo madal ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigaan aragtidooda, ugana tashadaan aayahooda.

In fursad loo siiyo dhallinyarada kaqeybgalka Siyaasadda Dalka, taasoo ah halkudhigga shirka ee ka qeybgalka Siyaasadda Dalka oo ah (Kaqeybgalka Dhallinyarada Siyaasadda Dalka).

In la xoojiyo isdhexgalka dhallinyarada

In la muujiyo kartida iyo awooda dhallinyaradeena

In la helo ra’yiga iyo fikradaha dhallinyarada ee ifinaaya mustaqbalka aayahooda.

In dhallinyarada lagu dhiira geliyo wadaniyadda iyo wada jirka oo kaliya in lagu gaari karo dal nabad ah, nolol barwaaqo ah, iyo nolol horumarsan.

DHALINYARADDA IYO HOGAAMINTA

Dhaqangelinta Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada iyo doorka dib u eegista Dastuurka.

In dhallinyaradda laga qeybgaliyo hoggaanka iyo haggida dalka iyagoo talo ku yeelanaya cida la dooranayo iyo cida wax dooraneysa.

In Dastuurka Soomaaliya lagu cadeeyo xuquuqaha dhallinyarada

In la abuuro Gole Dhallinyaro Qaran oo aan KMG aheyn si uu u noqdo meel ay hoggaamiyayaasha dhallinyarada ku sameysmaan kuna bartaan hoggaaminta wanaagsan, looguna ol-oleeyo danaha dhallinyaradda Soomaaliyeed.

In ay dhallinyaradu barato taariikhda Dalka Soomaaliyeed, si ay wax uga bartaan isagana jiraan khaladaadkii hore usoo dhacay.

WAXBARASHADA

In lahelo Siyaasada Qaran ee Waxabrashada Dalka doorka ay dhallinyarada ku leeyihiin oo si cad uga dhex muuqda.

In la helo waxbarasho bilaash ah oo loo simanyahay, ayadoo muhiimad gaar ah lasiinayo gabdhaha iyo da’yarta iyo Dhallinyarada Baahiyaha gaarka ah qaba.

In la xoojiyo korna loo qaado afka hooyo laguna dhiiri galiyo dhallinyarada ku hadalkiisa iyo qoristiisa (May iyo Maxaa Tiri).

In la hirgaliyo maktabada qaranka dhallinyaradana ay qeyb libaax ah ka qaataan (Barnaamijka Qaran ee Isxilqaan) oo uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

TAHRIIBKA

In dhallinyaradda loo abuuro xirfado ay ku shaqeystaan ayadoo lagu duulaayo Qorshe Howleedka Wasaaradda ee ku jira Tubta Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Mudane Xassan Cali Kheyre

In la helo wacyigalin balaaran kuna saleysan nolasha dhibta leh oo ay la kulmaan dhallinyarada tahriibta, ayadoo loo adeegsanaayo Warbaahinta (Wecyigelin Diineed iyo Hal Abuurka Suugaanta Soomaalida).

AMNIGA

In ciidamada qaranka loo dhameystiro xuquuqdooda iyo musharaadkooda mar walba, dhallinyaradana ay qeyb ka qaataan Qorshaha Xasilinta Amniga guud ahaan   Dalka gaar ahaan Amniga Caasimadda Muqdisha.

In la helo lambar lagala xiriiro laamaha nabadgalyada gaar ahaan Caasimadda si ay dhallinyarada usoo gudbiyaan qataha Amni dadka ku howlan ee deegaanada xaafadahooda ku nool.

SHAQO ABUURKA

In si cad uga muuqato Qorshaha horumarinta qaranka in dhallinyarada loo sameeyo shaqo abuur, laguna shaqo geliyo sida: Dhismayaasha guud, Dhismaha Wadooyinka isku xira Gobolada, Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha, Garoomada Ciyaaraha Dalka,  si ay gobolada uga helaan dhallinyarada fursad shaqo, taasoo noqoneysa fursad shaqo abuur dalka oo dhan ah.

In la dhiirigaliyo wax soosaarka dalka, ayadoo dowladda ay si gaar ah u dhaqaaleyneyso beeraleyda, kaluumeysatada, xoola dhaqatada, iyo warshadleyda, gaar ahaan dhallinyarada xirfadahaas ku shaqeeysta.

In la hirgaliyo siyaasad soo jiidan karta maalgaliyayaasha shisheeye iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, taasoo dhallinyarada u abuuri karta fursado shaqo.

In laxoojiyo sharciga shaqada iyo shaqaaleysiinta iyo darajooyinka (grade-ka) maadaama ay da’yarteenu illaa heer Jaamacadeed aqoontooda gaarsiisan tahay.

SAAMEYNTA WARBAAHINTA EE DHALLINYARADA

In Warbaahinta kaalintooda ka qaataan wacyigelinta, waxbarida iyo wax ogeysiinta Dhallinyarada.

In Milkiiyasha Warbaahinta daka ay sare u qaadaan xirfadaha wariyayaasha dhalinta yar ayaga oo siinaya tababaro iyo waxbarasho warbaahineed si ay u ogaadaan waxa ay tabinayaan iyo meelaha ay ka tabinayaan (Gabdhaha iyo Wiilasha)

In marwalba la adkeeyo lana hubiyo Madax Banaanida Warbaahinta iyada oo la dhowrayo sharciga Saxaafadda.

GUNAANAD BAAQ NABADEED

Shirweynuhu Wuxuu Baaq nabadeed u dirayaa Deegaanada ay kasoo cusboonaadeen colaadaha ay nabad ku badashtaan si dhallinyarada aan looga dhigan xaabada dabka lagu shido.

Shirweynuhu wuxuu hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Dalada Dhallinyarada Bayaan ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Aweys Axmed Sardheeye oo uu noqday Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxda Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya guud ahaan, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda JFS, Golaha Dhallinyarada Qaranka ee KMG ah oo lahaa qabanqaabada Shirweynaha Qaran Sanadka 2aad oo ka dhashay kormeerkii ay kusoo mareen Sanadkan 2018-ka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir iyo Latashiyadii ay la sameeyeen Qeybaha kala duwan ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Ergooyin matalaaya ay xaadir ku yihiin Shirweynaha 2aad ee Dhallinyarada Qaranka.

Shirweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye dawrkeeda hogaamineed ee isku dubaridida iyo isku xirka barnaamijyada horumarinta Dhallinyarada iyo horumarinta Isboortiga gaar ahaan Dhallinyarada oo ay marwalba si hagar la’aan ugu howlgaleysay.

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa Xildhibaanadii, Wasaaradihii, Culumaa’udiinkii iyo Marti Sharaftii kulankaan kasoo jeedisay hadalo iyo talooyin muhiim u ah mustaqbalka iyo aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirweynaha wuxuu u mahadcelinayaa hey’adihii Qaramada Midoobay gacanta ka geystay kormeerka Golaha Dhallinyarada Qaran ee KMG ah oo ay kusoo mareen Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir latashiyadii ay kala sameeyeen qeybaha kala duwan ee dhallinyarada, iyo Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Sanadka 2aad.

Hal Kudhigga Sanadka 2018-ka waa:-

“HORUMAIRNTA IYO KAQEYBGALKA

DHALLINYARADA EE SIYAASADDA DALKA”

Dhallinyaradu waxey leeyihiin:-

Waa inaan cududa iyo caqligeena ku ciil baxnaa,

Waa inaan cadowga mustaqbalkeena cududeena iyo caqligeena iskaga celinaa,

Waa inaan cududa iyo caqligeena daganaansho nabadeed ku curun karnaa,

Waa inaan cududa iyo caqligeena nolol noo cuntanta ku cabiri karnaa,

Waa inaan cududa iyo caqligeena wadadii cadeed cagta wada saari karnaa”

SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH

WABILAAHI-TOWFIIQ

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor