Akhriso: Warbixin Mareykanka uu ka soo saarey xaaladda Soomaaliya

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykaanka ka jooga Afrika (AFRICOM), Thomas Waldhauserayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku muujiyey Fursadaha wanaagsan ee DFS si loo gaaro Nabad buuxda.
Taliyahaasu waxa uu tilmaamay inay Milliteriga Maraykanka sii wadi doonaan sidii loo dhisi lahaa awoodda Ciiddanka DFS ee ay kula dagaalami karaan Alshabaab iyo Daacish.

“Siyaasadeenni waxay tahay inaan taageerno dadaalka Somalia ee lagu dhiiri-gelinayo sidii ay u soo goosan lahaayeen Xubnaha ka tirsan Alshabaab iyo Daacish iyo in la taageero Somalia” ayuu yiri Gen. Thomas Waldhauser Waxa uu intaasi ku daray marka ay arrimahaasi suurtoobi waayaan inay Milliteriga Maraykanka beegsan doonaan Kooxahaasi, si loo basllaariyo Hadafka Deganaanshaha Somalia.

Sidoo kale, waxa uu xusay in Hadafka Maraykanka yahay sidii loo dhisi lahaa Degaan Ammaan ku filan oo xiriir la leh Dib-u-heshiisiinta iyo Dhismaha Dowlad Karti leh oo ay wakiilo ku leeyihiin Dadka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka Taliyaha AFRICOM, Gen. Thomas Waldhauser waxa lagu muujiyey waxa qiimaha u yeelaya Dadaalka Maraykanka inay tahay DFS ee Madaxweyn Farmaajo oo taageero ka geysan karta Mideynta Somalia oo ahaa dal burburay muddo haatan laga joogo 30-sanno.
Madaxweyne Farmaajo oo la caleemo saaray bishii Febaraayo ee sannadkan waa Muwaadin haysta Dhalasho Maraykan ah, kana soo shaqeeyey Waaxda Gaadiidka ee maagalladda New York, ka hor inta uusan Madaxweyne noqonin.

Waxa uu Ololihiisa ugu tartamayey Xafiiska Maraykanka inuu muhiimadda saari doono La-dagaalanka Musuq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media