Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyey dilka dhacay Magalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Kooxo hubeysan ay Gabaldhicii Caawa ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in ay toogteen Askari ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya iyaga oo kadibna goobta ka baxsaday.

Askariga la dilay ayaa Caanka ahaa deamada Waaberi,waxana magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamuud Buule,waxana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaas oo meydkii goobta ka qaaday.

Xaalada goobtii uu dilka ka dhacay ayaa haatan ah mid degan,waxana howlgal koobnaa ka sameeyey ciidamada dowladda wallow aysan dilkaas weli dad u qaban.

Maamulka degmada Waaberi weli wax faah faahin ah kama bixin dilkaas,waxa uuna ku soo aadayaa xilli xalay Fiidkii Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa lagu dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Dilalka qorsheysan ayaa marwalba ka dhaca Muqdisho,waxana barbar socda howlgallo ay sameynayaan ciidamada dowladda soomaaliya balse aan weli dilalkaas oo ay sheegtaan Al-Shabaab aysan ciidamadu dad u qaban.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media