Akhriso:- Wararkii ugu dambeeyay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxa kulan ku yeeshay Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshisiinta Galmudug  iyaga oo soo bandhigay habraaca la xiriira qabsoomidda shirka dib u heshiisiinta.

Guddiga ayaa shirkjooda ka soo saaray Shan qodob oo uu ku furmo karo shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la qorsheeyay in uu dhaco 17-ka Bishaan waxaana qodobadaas ka mid ahaa.

1 Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.

2 Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.

3 Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.

4 War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

5 Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka shirka dib u heshiisiinta xubnaha guddiga ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa ay booqasho ku tageen deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Gal-gaduud iyaga oo kula kulmay Odayaasha dhqanka oo laf dhabar u ah shirkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media