Akhriso:-Wararkii u dambeeyey ee Kulanka Golaha Shacabka

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka oogan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Barlamanka, Maxamed Cusmaan Jawaari.

Xalay waxaa socday kullamo ay la haayeen qaar ka mid ah xildhibaanada isaga soo horjeeda mooshinka,waxana haata soo baxaya Warar sheegaya in uu baaqday kulankii Baarlamaanka Soomaaliya.

Baaqashada kulanka ayaa sida la sheegay waxay ka dambeysay kadib markii kulan xalay soo bilaawday soona gaaray ilaa saakay oo dhexmaray gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Farmaajo.

Waa markii Saddexaad ee kulanka Baarlamaanka uu baaqdo,waxana Ciidamada dowladda ay xalay Saqdii dhexe xireyn wadooyinka qaar ee muqdisho sida caadada aheyd,iyada oo wadooyinka qaar loo diidayo in dadku xataa lug ku maraan.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay sheegeen in uu ku wargeliyey in kulankii Maanta uu baaqday.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka Golaha Shacabka uusan manta baaqan,isla markaana waqtigii loogu talo galay ee Maanta uu furmi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media