Akhriso:-Wararkii u dambeeyey Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo Gabaldhicii Caawa uu dagaalkooda ka bilaawday xaafada Macalin Nuur  ee degmada Dharkenley.

Dagaalka ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamo millateri ah oo ku sugnaa Bar-koontorool oo ku taalla xaafada Macalin Nuur ay ciidamada xasilinta isku dayeen In ay hubka dhigaan balse ay diideen,waxana la sheegay in dagaalka uu ku fiday xaafadaha ilaa Ex-koontorool Afgooye.

Dagaal socday mudo ka badan 30-daqiiqo ayaa labada ciidan halkaasi ku dhexmaray kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac iyo Shacab isugu jira.

Wariyaal ku sugan goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay soo sheegayaan in ilaa 2 Askari oo ah ciidamadii dagaalamay ay geeriyoodeen halka 5 qof oo Shacab ah ay dhaawacmeen kuwaas oo loola cararay isbiatalada ku yaalla Magalada Muqdisho.

Isku-dhacyada dhexmara ciidamada ka wada tirsan dowladda ayaa  joogto ka noqday Muqdisho,iyada oo dagaalkii Galabta ilaa caawa aysan weli ka hadlin laamaha amniga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media