Akhriso:-Wararkii u dambeeyay qarax ka dhacay deegaanka Af-urur

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa qarax lagula eegtay tuulada Af-urur ee Gobolka Bari Ciidamo ka tirsan kuwa Dolwad Goboleedka Puntland,waxaana la sheegay khasaaro in uu ka dhashay qaraxaas.

Qaxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,waxana ciidamada la sheegay inay kula qaraxday tuulada af-urur oo ku yaalla Galbeedka Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,sida ay sheegeen dad boosaaso ku sugan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas ay ku dhaawacmeen Saddex askari oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland,kana mid ah Ciidamada fariisinka ku leh tuulada Af-urur ee Gobolka Bari.

Laamaha amniga Puntland iyo Maamulka Magalada Boosaaso weli qaraxaasi kama hadlin,hayeeshee wararka aan Caawa ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Puntland ay halka qaraxa uu ka dhacay ay ku sugan yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor