Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee wadahadalada Kenya iyo Soomaaliya ee Balad Xaawo

Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa lagu qabtay shir looga hadlayey xiisada ka taagan magaaladaas taas oo ka dhalatay darbiga Kenya dooneysay in ay halkaasi ka dhisto,isla markaana dhaliyay kacdoon Shacab.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galayay wakiilo ka kala socday Dowladda Soomaaliya Iyo Kenya,waxaana shirka inta uu socday lagu guulestay in inta badan la xaliyay tabashadii ay qabtay dowladda Soomaaliya,isla markaana la joojiyay darbigii Kenya ka dhiseysay Balad Xaawo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Aadan iyo Madaxa amniga Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa waxa ay sheegeen in kulankaasi la isku-afgartay qodobo Muhiim u ah heshiis laga gaaro xiisada is dhalatay darbigii ay Kenya ka dhiseysay Balad Xaawo.

Wararka Dalsan ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in kulan kale lagu balamay si loo dhameeyo xiisadaas,waxaana haatan la joojiyey darbigii Kenya ay dhiseysay sida uu goor siihoreysay Dalsan u sheegay Gudoomiyaha Magaalada Balad Xaawo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media