Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa oo ay rabshado ka dhaceyn

Xaaladda magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa Maanta mid degan kadib markii xalay ay ka kala dhaceyn rabshado ay sameynayeen taageerayaasha xisbiga Mucaaradka ah ee WADANi.

oo xasiloon,waxaana amaanka magaalooyinkaasi wakhti xaadirkan gacanta ku haya ciidamada Booliska Somaliland.

Banaanbaxa rabshadaha wata ee taageerayasha ay dhigayeen ayaa ahaa mid ay  kaga soo horjeedeen musuq la sheegay inuu ka dhacay doorashadii Soomaliland ka dhacday 13-kii November.

Amaanka magaalada Burco ayaa hadda waxa gacanta ku haya ciidamada Amaanka,waxaana rabashadahaasi xalay dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac iyo waliba khasaare hantiyeed oo tiro badan.

Dhinaca kale wadooyinka magaalada Burco ayaa wararka hadda nasoo gaaraya ay sheegayaan in ciidamo lagu soo daadiyay sugaya amaanka,xaaladda magaaladuna hadda tahay mid degan.

Dhinaca kalena magaalada Hargeysa oo dhinac bari ay xalay ka dhaceen rabashado la mid ah kuwii Burco ka dhacay ayaa iyaduna xaaladeedu hadda ay tahay mid dagan oo xasiloon.

Gudoomiyaha Xisbiga WADANI ahna musharax Madaxweyne ayaa taageerayaashiisa wadaa rabshadaha waxa uu ugu baaqay in ay isdejiyaan isla markaana ay rabshadaha joojiyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media