Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalka ka dhacay Gobolka Hiiraan

Waxaa Caawa xaalad deganaasho ah laga dareemayaa deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaas oo markale Gelinkii dambe ee Maanta uu dagaal ka dhacay.

Laba maleeshiyo beeleed oo isku-heysta dhul ayaa ku dagaalamay deegaanka  Dudumagaduud ee duleedka degmada Maxaas,waxaana xilliga dagaalka socday waan waan lagu xalinayo dagaalka.

Dagaalka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku geeriyooday dad lagu qiyaasay Sodomeeyo oo labada maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda.

Maanta barqadii ayaa deegaanada lagu dagaalamay,waxaa dad ku sugan ay sheegeen inay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Ciidamo Itoobiyaan ah,balse ay dib uga soo laabteen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) iyo waxgaradka ay kasoo kala jeedaan labada beelood ayaa baaqyo kala duwan kasoo saaray dagaalkaas,balse majirto cid dheg jalaq u siisay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor