Akhriso:-Warar ku saabsan Shirka Madaxweyne Farmaajo uga qeyb galayo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray dalkan Itoobiya oo ay ka furmi doonaan wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Mudane Abiy Axmed.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah.

“Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.

Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalalka Gobolka, xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga, daris-wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media