Akhriso:-Waqtiga la Aasi doono Madixii Shirkadda DP World ee lagu dilay Boosaaso

Madixii  Hawlgalladda ee Shirkadda O & P ports ee shaqo-wadaagta yihiin  Shirkadda DP World ee maamusha Dekedda magaalladda Bosaaso, Paul Anthony Ramosa ayaa la filayaa in berri subax lagu aaso magaalladda Marsakaba ee dalka uu u dhashay ee Malta.

Hadal ka soo baxay Qoyskiisa ayaa lagu sheegay in maydkiisa  Khamiistii hore la geeyey dalka Malta, si loogu aaso.

Qoyska waxay u mahad celiyeen Warbaahinadda  sida ay u xushmeeyeen Arrimaha Khaaska ee Qoyskiisa muddadii ay ku jireen xilligan adag, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Paul Anthony Ramosa waxaa bishan 4-di ilagu dilay meel ku dhow Dekedda magaalladda Bosaaso ee Gobalka Bari.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilkiisa, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ku joogay dalka Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media