Akhriso:-Tirada dadka Cudurka Coronavirus ugu dhintay Turkiga

Wasaaradda caafimaadka Turkiga ayaa shaacisay in 70 qof ay tan iyo Jimcihii shaley ay u dhinteen Fayriska coronavirus, taasoo guud ahaan tirada dadka u dhintay ka dhigaya dalkaas 425 qof.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca, ayaa weriyayaasha  u sheegay in illaa hadda la baaray 20,921 qof iyadoo 2,786 qof laga helay fayriska.

Wasiirku waxa kale uu sheegay in 484 bukaan ah ay hadda ka soo bogsadeen xanuunka, waxaana xanuunka illaa hadda u jiifa isbitaalada 1,251 qof.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay in bandow lagu soo rogay dhammaan dadka da’dooda ay ka yertay 20 sanno, gaar ahaan magaalada Isbitanbul oo ah oo magaalo ay dadka ku badan yihiin.

Fayriska COVID-19, oo markii horre uu ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ayaa waxaa uu gaaray ugu yaraan 181 waddan, waxaana u dhintay 58, 000 oo qof, halka hal milyan oo qof uu guud ahaan ku dhacay xanuunka, sida ay  shaacisay hey’adda caafimaadka adduunka WHO.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media