Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid ayaa Xilkii ka qaaday taliyihii hogaanka howlgelinta Ciidanka Booliiska Soomaaliya isaga oo sidoo kale Magacaabay taliye Cusub.
Wareegto ka soo baxday Taliye Saacid ayaa waxaa xilkii looga qaaday qaaday taliyihii hogaanka howlgelinta Ciidanka Booliiska Soomaaliya Generaal Maxamed Cumar Madaale, iyada oo xilkaas loo Magacaabay Generaal Axmed Dayib Aadan.
Generaal Madaale ee xilka laga qaaday ayaa hayay wax ka yar mudo lix Bilood ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyay 8 Bishii Febaraayo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo waxaa la sameeyay ka qaadista xilalka taliyayaal Ciidan iyo Magacabista kuwa Cusub.
Horay ayaa waxaa xilkii looga qaaday Taliyihii qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi, kaas oo lagu bedelay Axmed Xasan Maalin oo hadda xilkaas haya.