• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso: Taariikhda Khadra Daahir Cige oo Caawa Hargeysa ku Geeriyootay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 2, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
Akhriso: Taariikhda Khadra Daahir Cige oo Caawa Hargeysa ku Geeriyootay
36
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa goordhaweyd Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland laga soo sheegay geerida Alla ha u naxariistee fannaanaddii caanka ahayd Khadra Daahir Cige, kadib dhowr maalmood oo ay ku xanuunsanayd Cusbitaal ku yaalla Magaladaasi.

Khadra ayaa ka mid ahayd fannaaniinta loogu jeclaa Soomaalida, waxaana ay ka mid ahayd kooxdii Waaberi, iyadoo waayadii ugu dameeyay ku nooleyd Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Khadra Daahir Cige ayaa ku dhalatay Hargeysa sanadkii 1957-dii, waxaana fankeedu uu kasoo shaac baxay isla Magaaladaasi. Jeceylka ay fanka u qabtay ayaa ahaa mid qof kasta uu ka garan karay intii ay ku jirtay waxbaarshada Iskuulka, waxaana la isla arkay hibadeeda fanka xiliyada munaasabadaha oo ay Iskuulka Heeso ka qaadi jirtay.

Intii ay ku guda jirtay waxbarashada, Mar kale ayay Indhaha iyo dhagaha Daawada yaasha iyo dhageystayaasha ka yaabsatay, kadib markii 1970-kii ay Iskuulka kaga qayb-gashay ruwaayad ay Ardaydu jilayeen, waxaana isla sanadkaas ay muujisay jilliin, cod kuwacan dhageysiga, qaab-masrixiyadeed qof walbaa uu la Ash-qaraarayo, waxaana ay hantiday mucaashiqiinta fanka,

Waqtigu waxaa uu is-guraba Khadra ayaa Sanadkii 1974-kii waxaa ay si rasmi ah uga soo muuqatay Ruwaayaddii Hoboladii Waaberi ee ‘Dabjecayl kari waa’, waxaana Heesteedii ugu horreysay ee Khadra loo diiwaan galiyay ay ahayd heesta “Afka lagama sheegto adigoon jeceyl arag” taasi oo ka mid ah Heesaha ilaa iyo manta loogu jecel yahay Heesaha Khadra, oo ay si wacan ugu xareedisay codkeedii cajiibka ahaa, waliba ay ka muuqato qaabka ay car-carka u ahayd iyo sida ay Hammiga fog uga lahayd fanka, waxaana Heestaasi curiyay Abwaan Maxamed Cabdi Wayrax.

Khadra Daahir waxaa ay dhaxalsiisay Hibadeeda fanka in ay Ateriisho ama Gabadha 1aad ka noqoto Ruwaayaddii Jin iyo Jeceyl, oo ahayd  mid ka mid ah ruwaayadaha ugu Magaca weyn fanka Soomaalida, sidoo kalena  ay ku jiraan Heesaha loogu jecel yahay. Waxaana sanadkii  1975-kii Curiyay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Ganeey), waxaana Xusid mudan in heesaha ku jiray ay laxamayntooda isugu tageen, Raggii ugu cad-caddaa dhanka laxanka oo ay ka mdi ahaayeen Axmed Cali cigaal, Siciid Xarawo, Cabdi Cali Bacalwaan iyo mullaxamiin kale oo kula lammaannaa.

Khadra waxaa ay la heestay Fannaaniinta ragga ee Soomaaliyeed kuwooda ugu Magaca weyn, waxaana sidoo kale Heeso u dhiibay Abwaaniintii ugu curinta wanaagsanaa dhanka Heesaha iyo Ruwaayadaha, khadra ayaa caan ku ahayd Heesaha jeceylka, iyadoo qaadday Heesaha loogu jecel yahay fanka Soomaalida.

Abwaan waliba waxaa uu jeclaa in uu hees u dhiibo, waayoo waxaa ay ahayd shaqsi ilaahay cod ku mannaystay, sidoo kalena ay aad u jeclaayeen mucaashiqiinta fanka, waxaana

Si waliba Khadra ayaa goor hore fanka isaga baxday, waxaana waayadii dambe ay ku nooleyd Magaalada Hareysa ee Xarunta Soomaaliland, halkaasi oo dhawaan ay ku xanuunsatay, caawana ay ku  geeriyootay.

Dhawrkii sano ee ugu dambeeyay waxaa fanka Soomaalida ka baxay fannaaniin aan saameyn kulahaa fanka, bulashaduna ay aad u jecelayd, waxaa aynu ka xusi karnaa fannaaniinta sanadihii ugu dambeeyay dunida Macasalaameeyay: Saynab Xaaji Cali Baxsan, Faaduma Cali Nakruuma, Cabdi Cali Bacalwaan, Cabdi Tahliil Warsame, Jiim Sh. Muumin, Cabdikariim Faarax Qaareey Jiir iyo fannaaniin kale oo qaluubta mucaashiqiinta fanka aan marnaba ka go’aynin.

Xuuquuqda Qormada waxay u dhowrsan tahay Radio Dalsan 91.5 mhz.

Previous Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 2/07/2022

Next Post

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay geeridii ku timid Khadra Daahir

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
Next Post
Madaxda Dowladda Soomaaliya  oo War kasoo saartay geeridii ku timid Khadra Daahir

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay geeridii ku timid Khadra Daahir

East African Allies: Tanzania and Somalia Accelerate Partnership for Regional Prosperity

East African Allies: Tanzania and Somalia Accelerate Partnership for Regional Prosperity

by Liban
May 13, 2025
0

The Permanent Secretary for East African Affairs at the Ministry of Foreign Affairs and East African Cooperation, Ambassador Stephen Mbundi,...

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Dadka Soomaaliyeed badankood ma isticmalan fiitamiinnada  sabab la xariira  in aysan helin wacyi gelin ku filan oo ku saabsan  muhiimada...

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kooxda Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, iyada oo tallaabadan lagu...

East African Allies: Tanzania and Somalia Accelerate Partnership for Regional Prosperity
English News

East African Allies: Tanzania and Somalia Accelerate Partnership for Regional Prosperity

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
English News

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • East African Allies: Tanzania and Somalia Accelerate Partnership for Regional Prosperity
  • Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
  • Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
  • Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00