Akhriso:-Somaliland oo soo saartay Amar hor leh

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga ka hortega faafida Cudurka Coronavirus, iyagoona soo saaray Amaro Cusub oo ku aadan joojinta dadka Hargeysa uga soo safra dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ka hortega COVID-19 ee Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta laga bilaabo in dadka ka imaanaya dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika aysan imaan karin deegaanada Somaliland.

Sidoo kale dhamaan Diyaaradaha yimada Somaliland ayaa waxaa lagu amray in aysan dadka kasoo qaadi karin dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika oo si weyn u sameeyay Cudurka halista ee Coronavirus.

Shirka ay yeesheen Guddiga Guddiga ka hortega COVID-19 ee Somaliland ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Madaxweyne  ku-xigeenka maamulkaas Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Seylici.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga uu soo saaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media