Akhriso:-Somaliland oo Digniin Culus u dirtay Beesha Caalamka

Maamulka Somaliland ayaa War kasoo saaray War-saxaafadeedyo kala duwan oo Beesha Caalamka kasoo baxay, kuwaasi oo looga hadlay Doorashada dalka Soomaaliya ee sanadka 2020/2021.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin qoraaladii ugu dambeeyay ee Beesha Caalamka kasoo saartay Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Somaliland ayaa Beesha Caalamka uga digtay inay ku soo xad gudbaan Madaxbanaanida maamulka Somaliland.

Ugu dambeyntii Somaliland ayaa sheegtay in aysan qeyb ka aheyn doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Somaliland. 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media