Akhriso:-Shaqaallaha Dawladda oo la fasaxay iyo sababta oo la shaaciyay

Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo  hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax  tahay  maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood  oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019,  Fasaxana  waa  Maalmaha  Sabtida,  Axadda iyo  Isniinta.

Sida ku cad sharciga shaqaalaha  Qod.30aad, Farqadiisa  2aad na ay fasax yihiin Maalmaha  Sabtida,  Axadda iyo  Isniinta.

Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media