Akhriso:-Shaqaalaha Dowladda Somalia oo la fasaxay iyo sababta oo la shaaciyey

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqaalaha dowladda fasaxday hal maalin oo ah munaasabada Dhalashada Nabigeena Suuban (SCW) oo ku beegan bishan Mowiid 12. 1441, taariikhduna ay tahay 09/11/2019.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo la weeyneynaayo dhalasha Nabi Muxamed N.N.K.H la fasaxay shaqaalaha dowladda oo dhan.

Dhinaca kale Qabanqaabo xooggan iyo diyaar garow aad u ballaaran ayaa ka socda Gobolada Dalka iyo Gobolka Banaadir degmooyinkiisa kala duwan, kaasi oo loogu diyaar garoobayo xuska bisha Mowliidka ee dhalashadii Nabi Muxamed N.N.K.H oo ku beegan 12-ka bisha Mowliidka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay Wasaaradda.

 

 

Comments
Loading...