Akhriso:-Sababta uu Maanta u baaqday Kulanka Golaha Shacabka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu balan sanaa in uu qabsoomo kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya oo labada todobaad hore ee lasoo dhaafay aan qabsoomin,hayeeshee uu dib u dhac ku yimid.

Ajendaha Maanta looga hadli lahaa Kulanka Golaha Shacabka aya ahaa u codeynta wax ka badelka sharciga Hanti dhawraha guud ee Qaranka iyo  Xeer Maamulka Bankiga dhexe.

Qodobka ku saabsan wax ka bedelka xeerka Banggiga Dhexe ayaa ah hadal heynta ugu badan ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in uu baaqday Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka,hayeeshee Sababaha ugu weyn ee kulanka Golaha  u u baaqday ay tahay in inta badan xildhibaanada ay dalka ka maqan yihiin.

War kasoo baxay Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa  Xildhibaanada dalka ka maqan looga dalbaday inay dalka dib ugu soo laabtaan,isla markaana Kulanka uu qabsoomi doono Maalinta Isbiinta ah ee soo socota.

Sponsered

Comments
Loading...