Akhriso:-Sababta ka dambeysa baaqashada Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka?

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu balansanaa in maalmo isjiid jiid ah kadib uu dib u furmo kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya balse la sheegay in kulankaas uu baaqday.

Kulanka maanta ayaa waxaa khudbad ka jeedin lahaa gudoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,waxana xildhibaannada Golaha Shacabka loo kala diray laba farriin oo iska soo horjeeda.

Farriintii ugu horeysay ayaa waxa ay Xildhibaannada uga timid dhanka guddoonka Golaha ee is cailay taas oo loogu sheegayey in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana uu ka hor hadli doono Mudane Jawaari.

Dhinaca kale Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Muudeey ayaa isna dhankiisa waxa uu xildhibaannada u diray in Maanta wax kulan ah uusan jirin ilaa ammar dambe.

Arrintaan ayaa weli kama hadlin madaxda ugu sareysa dalka,iyada oo ku soo aadeysa xilli shalay guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu markii ugu horeysay Warbaahinta iyo Shacabka Soomaaliyeed uu u cadeeyey in uu xilkii iska casilay.

Hoos Ka Akhriso Farriimihii loo kala diray Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

About Radio Dalsan Reporter

View all posts by Radio Dalsan Reporter