Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu iska casilay xilkii Madaxweynenimo,isaga oo sidoo kale ka tanaasulay musharaxnimadii.
Shariif Xasan ayaa sababta is casilaadiisa waxa uu ku sheegay in uu u tanaasulay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed sigaar ah Shacabka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayuu sheegay in ay ka sii Shaqeyn doonaan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.