Akhriso:-Qodobo laga soo saaray kulankii MW Farmaajo iyo Madaxdii hore

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah faahfiyay kulankii Maanta dhexmaray isaga iyo Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh oo Caawa shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Madasha Xisbiyada iyo Madaxweyne Farmaajo ay ku heshiiyeen 5 qodob.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu ka garaabay xayiraadii dhawaan la saaray  Sheekh Shariif iyo Wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran.

Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo ku aadan kulankii Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka Akhriso Qodobada lagu heshiiyay

1-Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka garaabay, raali gelinna ka bixiyey is-hortaagyadii madaxdii hore ee dalka lagu sameeyey.

2- In doorashooyinka hay’adaha dastuuriga ah oo dhan ay xiligooda ku dhacaan

3- In la ilaaliyo dastuurka, xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed

4- In hay’adaha amniga aan loo adeegsan siyaasadda, islamarkaana siyaasiyiinta aysan siyaasadeysan amniga dalka.

5- La dagaalanka Al-shabaab in meel looga soo wada jeesto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media