Akhriso:-Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka RW Kheyre iyo Madaxweynaha Jabuuti

Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay lagu soo dhaweeyey Magalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo madaxda ugu sareysa dalkaas oo uu ka mid yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Soo dhaeyntii xalay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ee dalka Jabuuti ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti iyo masuuliyin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.

Jabuuti ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada taageera Soomaaliya,waxaana degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo farabadan kuwaas oo ku howlgal Magaca howlgalka AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media