Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono kulanka Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah ay Xaunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ku yeeshaan kulankoodii caagiga ahaa.

Ajandaha kulanka Maanta ayaa ah Akhrinta koowad Dib u Eegista H/Sharciyeedka Hanti dhowraha,waxaana Baarlamaanka hortegaya Hanti dhowraha Qaranka.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Radio Dalsan waxa ay sheegeen in xalay lagu wargeliyay in Maanta kulanka uu jiro,isla markaana ajandaha uu yahay Akhrinta koowad Dib u Eegista H/Sharciyeedka Hanti dhowraha.

Mudanayaasha golaha Shacabka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka doodayeen hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta dhismaha iyo maamulka dhulka,iyada oo ugu dambeyn ay soo gaba gabeeyeen Sabtidii la soo dhaafay.

Weli ajandayaal dhowr ah ayaa horyaalla Xildhibaanada Golaha Shacabka kuwaas oo la filayo inay dood ka yeeshaan inta lagu guda jiro kal-fadhia 4aad ee Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor