Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo arbaco ah waxa la filayaa in  kulankooda caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Wariyeyaasha ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka Golaha Shacbaka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii waxa ay kulankooda uga hadleen,sila markaana ay dood ka yeesheen Aqrinta labaad hindise sharciyeedka hay ‘adda naafada Qaranka.

Sidoo kale  Xildhibaanada ayaa Akhrinta labaad marsiiyay sharci ku saabsan xuquuqda liil tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa weli waxaa horyaalla Ajandooyin dhowr ah kuwas oo ay mariiyeen Akhrinta 1aad iyo 2aad halka kuwo kale ay u harsan yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor