Akhriso:-Qodob weyn oo Madaxda isku hayeen labadii maalin ee Shirka socday

Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Shirka Wadatashiga ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoona Maanta fasax ay  galeen Madaxda.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ay dib ugula laaban doonaan Wafuudooda la socota qodobadii adkaa ee labadii maalmood Shirka wadatashiga looga doonayay.

Shirkaas  ayaa ah mid looga hadlayo arrimo kala duwan oo ay ugu weyn tahay Arrinta Doorashada 2020/2021  iyo dhameystirka heshiiskii Shirka Dhuusamareeb3 oo ay ka maqnaayeen maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Labadii maalmood ee wada hadalada u socday ayaa si adag looga dooday qodobada doorashada, qodobka ugu weyn ee la isku hayay ayaa ah arrinta Guddiga Madaxa bannaan doorashooyinka oo Madaxweyne Farmaajo doonayo inay maamulaan doorashada, halka inta badan Maamul goboleedyada ay doonayaan in Guddi heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed la dhiso.

Sida uu qorshahu yahay maalinta berri ayaa dib la isugu laaban doonaa shirka oo halkiisii laga sii amba qaadi doono, waxaana ka qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  Madaxweyneyaasha maamulada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media