Kadib dagaal saakay ka bilaawday deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa Warka soo saaray dagaalkaas Maamulka Puntland oo ay ciidamadooda dagaalka kula jiraan kuwa Soomaalilnad.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagu sheegay in dagaalkii saakay ay ciidamadooda ku soo qaadeen kuwa Soomaaliland,isla markaana lagu soo gardarooda.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Puntland iyo Shacabkeeda ay diyaar u yihiin in ay difaacdaan gobolka Sool.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka laga soo saaray Madaxtooyada Puntland.