Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Isniin shaacisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ahaa ay galeen Ardayda dhameysatay Dugsiya sare ee Puntland.
10 Arady ee ugu sarreeysa Imtixaanka ayaa waxaa 6 kamid ah ay yihiin Gabdho, waxaana Imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Puntland kaalinta koowaad gashay Gabar, taasi oo ka baxday Dugsiga Al-Waha ee Magaalada Garoowe.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa soo saartay 10-ka Dugsi sare ee Ardaydooda ugu sarreeyan Imtixaanka, isla markaana waxaa Dugsiyada hoggaaminaya dugsiga Sare ee degmada Galdogob.
Hoos ka Akhriso Natiijada Imtixaanka ee la shaaciyay.