Akhriso: Puntland oo ka hortimid tallaabo ay qaaday Dowladda Federaalka farriina dirtay

Dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay inay kasoo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Shidaalka dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in soo dhaweynayaan in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo la raacayo dastuurka KMG ah ee dowladda.

Puntland ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah uu noqdo mid dhisan wada xaajood iyo is afgarad dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso ku dhaqanka iyo hirgelinta  hindise sharciyeedka Batroolka ee khilaafksan dastuurka KMG ah ee dowladda Soomaaliya.

Puntland ayaa ugu baaqday saaxiibada caalamka ee Soomaaliya inay taageeraan ku dhaqanka dastuurka Federaalka, heshiisyada sharciga ah iyo qaab-dhismeedkooda, kuwaas oo ay door muhiim ah ku laheyd aas-aaskooda.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor