Akhriso:-Puntland oo hakisay xiriirkii Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku amartay Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka  in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ay ka haayeen gudaha Puntland inta laga dhameystirayo dhamaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka Dalka.

Puntland ayaa bogaadisay dadaalada hanaanka Doorashooyinka Xisbiyada badan ee la doonayo in  dalka la hergeliyo heerka dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Puntland ayaa wargelisay dhammaan Ururada iyo Xisbiyadda ee heerka dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada in ay hakiyaan wixii shaqo ah eek a haayeen gudaha Puntland.

 

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media