Akhriso:-Puntland oo Cambaareysay Xayiraadii Maanta la saaray Sheekh Shariif

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu Cambaareeyay Xayiraadda Socdaal ee dowladda Federaalka Soomaaliya saartay Shacabka Jubbaland iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sido kale Puntland ayaa sheegtay in falkii Maanta lagu xayiray diyaaradii uu Kismaayo u raaci lahaa Sheekh Shariif uu yahay mid jebinaya Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ku saabsan dhanka Xoriyadda iyo Socdaalka Muwaadinka.

Ugu dambeyn Warka ka soo baxay Puntland ayaa waxaa Shacabka Soomaaliyeed,Beesha Caalamka iyo cidkasta oo daneysa Arrimaha Soomaaliya u sheegtay in falkii Maanta dhacay oo kale uu dib u dhac ballaaran u keeni karo hanaanka geedi socodka siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya.

 

Hoos ka Akhriso Warka kasoo baxay Maamulka Puntland

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media