• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, May 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Nuxurka khudbadii Farmaajo ka jeediyay Shirka Iskaashiga Turkiga iyo Afrika

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 18, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 2 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, isaga oo tilmaamay in Shirweynahani uu faa’iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac.

“Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qodob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah ee hoosta lagaga xarriiqay Shirweynahan, ay dhammaanteen inoo horseedi doonaan jewi nabad, caddaalad, xasillooni iyo barwaaqo ah,  sidoo kale ay keenayaan fursado aynu u simannahay dhammaanteen.”

Farmaajo oo ka warbixiyey xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ah, mugga ganacsi iyo isdhexgalka bulsho ee Labada Dowladood, ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan Wax wada-qabsi, is-ixtiraam, isfaham iyo faa’iido labo dhinacle ah.

“Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhan walba ah. Waxa aannu ka markhaati kacaynaa waxtarka uu noo leeyahay iskaashiga dhabta ah ee aannu la leenahay Turkiga, kaas oo tusaale ay ku dayan karaan u ah walaalahayaga Afrikaanka ah.”

Madaxweynaha oo ka warramay horumarrada ballaaran ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinacyada amniga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo adeegyada bulshada, ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Shirkan iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Turkiga Reccep Dayyip Erdogan, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas garab istaagga iyo taageerada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Shirkan.

Previous Post

Ciidamada Itoobiya oo dib Tigreega uga qabsaday Magaalooyin hor leh

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u baxay Magaalada Baydhabo iyo ujeedka safarkiisa

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

May 14, 2025
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

May 14, 2025
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
Wararka Idaacadda

Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal

May 14, 2025
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u baxay Magaalada Baydhabo iyo ujeedka safarkiisa

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya...

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Koox ka kooban madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo si weyn looga qadariyo siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah...

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee ka bixitaanka madasha siyaasadeed ee dhawaan lagu...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u...

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

"Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

"Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
English News

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • “Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
  • “Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
  • Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
  • “Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00