Akhriso:-Maxay ku heshiiyeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya?

Fududeyn uu sameeyey Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxay Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Kenya maanta kulan ku yeesheen Aqalka Dowladda Kenya ee magaalladda Nairobi.

Warbaahinta Dowladda Ethiopia ee FBC ayaa soo xigatay ilo ka tirsan labada waddan ee uu Khilaafku ka dhexeeyo.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ayaa lagu sheegay in Natiijadda ka soo baxday Wada-xaajoodkaasi dhigayo inay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta isku raaceen inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan Nabadda iyo inay qaadaan tallaabooyin, gaar ahaan qoddobka khaaska ee gilgilay Xiisadaha labada dal.

Somalia iyo Kenya waxaa ka dhexeeya muran xuduud-baddeed ku yaalla Badweynta Hindiya, kaasi oo ku fadhiya masaafo dhan 10,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Xigasho: FBC, Ethiopia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media