Akhriso:-Maxay ka tiri Jubbaland Xayiraadii Sheekh Shariif ee Kismaayo?

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xayiraadii shalay laga saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif xili uu ku wajahnaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Dhexe.

Jubbaland ayaa si adeg u Cambaareysay dhacdadii lagu xanibay diyaarad uu Kismaayo ku aadi lahaa Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayay,isla markaana loo diiday inay u duusho Kismaayo.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Madaxda dowlada Soomaaliya ku eedeeysay inay ku takrifal awoodeed ay u isticmaaleyso shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta kala duwan,isla markaana maamulka Hawada ay u adeegsaneyso danno gaar ah oo siyaasadeed.

Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Maamulka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media