Akhriso:-Maxaa sababay in Sheekh Shariif uu shaaciyo inuu mar kale u tartami doono xilka Madaxweynaha Somalia?

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi dhinacyo badan taabanayey oo uu siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi.

Madaxweynihii hore waxa uu sheegay inuu doonayo inuu mar kale isku soo sharxo Xilkaasi, isagoo ah Murashax u tartami doona Xisbiga Himilo Qaran, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo Hay’addaha Dowladda Somalia.

“Xisbiyadda siyaasadda ayaa ah dhabaha ugu wanaagsan ee hore u socodka Somalia” ayuu yiri Sheekh Shaariif oo dhinaca kale dhiirigeliyey in la ballaariyo Dib-u-heshiisiinta, isagoo kaashanayo Khibradiisa Diplomaasiyadeed.

Doorashada soo socota ee Madaxweynimadda somalia ayaa la filayaa in la qabto bisha August ee sannadka soo socda, iyadoo Sheekh Shariif uu horey doorasho adag la galay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga  doorashadii dhacday sannadkii 2012-kii ka guuleystay Sheekh Shariif oo xilligaasi Madaxweyne ahaa.

Wargeyska waxa uu qoray in Sheekh Shariif oo loo  yaqaano  Aabaha Soomaalida Casriga “The Father of Modern Somalia” waxa uu ahaa Madaxweynihii Dowladdii KMG Somalia muddadii u dhexeysay sannadihii 2009-kii ilaa 2012-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor