Akhriso:-Maxaa sababay in dib loo dhigo doorashada K/Galbeed?

Waxaa dib loo dhigay mar kale xilliga la qabanayo doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen guddiga qabanqaabada doorashada.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay guddiga qanqaabada doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in doorashada la qaban doono 19-ka bishan Disembar halka markii hore lagu ballansanaa in doorashada ay dhacdo 5-ta bishan.

Guddiga waxay sheegeen in sababta uu dib u dhaca ugu yimid qabashada doorashada ay tahay inay qiimeyn ku sameeyeen wakhtiga u haray isla markaasna ay ogaadeen in howl badan ay qabyo ka tahay ayna u baahan yihiin wakhti ku filan.

Waxay sidoo kale sheegeen in aanan weli lasoo dhameystirin qalabkii doorashada lagu qaban lahaa.

Warqadda kasoo baxday guddiga qabanqaabada doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu xusay in dhib u dhaca doorashada ay ugu wacan tahay in aana wax tababar ah loo fidin qaar kamid ah guddiga doorashada sidii ay ula socon lahaayeen qaabka iyo nidaamka doorashada.

Waxaa bishii hore dib loo dhigay qabashada doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo ku beegnayd 17-ka Nofembar kaddib markii khilaaf uu ka dhashay geedi u socodka doorashada maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale si degdeg ah xilka isaga casilay madaxweynihii Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wxuuna sheegay inuu isaga haray tartanka madaxweynenimada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor