Akhriso:-Maxaa looga hadlaya kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa ayaa Maanta waxaa kulan ku yeelanaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayuu kulanka Golaha Shacabka si rasmi ah uga furmi doonaa Xaunta Villa Hargeysan, waxaana Ajendaha uu yahay Akhrinta 2aad ee Heshiiska ka mid noqoshada Hay’adda Damaanada Maalgashiga Darafyada badan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu jiro kulan, isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiran, si uusan u baaqan kulankaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Maalintii sabtida aheyd ee lasoo dhaafay ansixiyay xisaab xirka Miisaaniydadda Dowladda ee Sanadkii 2017.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media