Akhriso:-Maxaa looga hadlay shirka horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya?

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay Arimaha doorashooyinka, qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kulanka  ayaa sidoo kale looga hadlay shirka xariirka Iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabanayo bisha July ee sannadkaan.

Shirka ayaa  warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir oo soo bandhigay mashaariicda ka socotagobalka iyo horumarrada uu ku tillaabsaday.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ayaa sidoo kale shirka kusoo bandhigtay horumarka laga gaaray u diyaar garowga doorashooyinka dalka ee sannadka 2020/1

Wasaaradda haweenka, ayaa ka qayb galayaasha shirka kusoo bandhigtay mashruuca horumarinta haweenka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa ugu dambayn lagu ansixiyay mashruucyada taageerada doorashooyinka dalka iyo xanaanaynta dhalliyarada Soomaaliyeed ee lasoo laabtay marin habaabinta kooxaha argagaxisada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media